Daawo: Maamulka G/banaadir oo burburiyay guryo sharci daro

Daawo: Maamulka G/banaadir oo burburiyay guryo sharci daro

daajis.com:- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhaqaaqay howlgalo lagu burburinayay guryo si sharci daro looga dhistay Xaruntii Akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta ee ku taal degmada Warta Nabada (Ex Wardhiigley), halkaasoo ay dad shacab ah degenaayeen 20kii sano.

Howlgaladan bur burinta ah ayaa timid kadib amar kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, iyadoo dadkii guryahaasi laga burburiyay amar lagu siiyay inay uga guuraan mudo maanta ku ekeyd.

Ciidamada munishiibiyada oo horkacayay bur burintay ayaa la arkayay, iyagoo fiiqaya jiingadaha laga dhistay xaruntii Akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo warbaahinta kula hadlay xaruntaas ayaa sheegay in la go’aamiyay in dadkii labaatankii sano ee degenaa xaruntaas ay ka guuraan, isagoo xusay in lagu bur buriyay dhismayaasha sida sharci darada looga dhistay digreeto ka soo baxday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Cali Seeko ayaa sheegay in dadkii degenaa ay qaarkood go’aansadeen inay isaga guuraan, iyagoo iskood u dumiyay dhismayaasha, kana qaatay alaabtooda, maadaama ay gobol ahaan tixgeliyeen.

Cali Seeko ayaa sheegay in dhamaan dadkii degenaa xaruntaas laga saaray, marka laga reebo Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame oo xanuunsan ay go’aansadeen inta xal looga raadinayo uu sii degenaado.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax ayaa sheegay in xaruntan dib loogu soo celin doono adeegii ay bulshada u heysay sida cilmigii Fanka iyo suugaanta.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada