Shirka Hiigsiga cusub ee Madaxda DF ka qeybgaleen: Sawirro

Shirka Hiigsiga cusub ee Madaxda DF ka qeybgaleen: Sawirro

daajis.com:- Shir maanta ka dhacay xarunta Xalane ee gudaha garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Maxamed, qaar ka tirsan golaha wasiirada iyo xubno ka socday beesha caalamka.

Shirkan oo ahaa mid sedaxdii biloodba mar la qabto ayaa waxaa diirada lagu saaray wixii u qabsoomay Xukuumadda DF,  arrimaha Hiigsiga cusub (New Deal) iyo sida lagu gaari karo doorasho xor ah iyo shirka ka dhici doona Copenhagen ee dalka Denmark iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay Hirgalinta Baraamijka Hiigsiga Cusub iyo sidii dalka oo dhan looga hirgalinlahaa Sanadka 2016-ka.

Madaxweynaha wuxuu intaa raaciyay in barnaamijka New deal ama Hiigsiga cusub uu u leeyahay Soomaaliya ahmiyad gaar ah, asagoo sheegay in kulanka maanta uu sidoo kale looga hadlaayo shirka dhowaan lagu qaban doono magaalada Copenhagen ee dalka Denmark kaas oo arrimaha Soomaaliya looga hadli doono.

Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha balan qaadyadii dhaqaale ee shirkii Brussels ee New Deal looga hadlayay ay dowladdu ka heshay 0,3%, wixii la balan qaaday, waxaana uu xusay in hey’adaha maaliyada dowladda iyo Bankiga Aduunka ay ka shaqeynayaan qorshayaal ku saabsan sidii loo maareyn lahaa dhaqaalaha dowladda soo gala.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay wax badan qabatay, isagoo Golihiisa Wasiirada ku tilmaamay kuwo isku kalsoon oo ilaa 78% ay wax badan ka qabteen xaalada dalka, sida ammaanka dhismaha maamulada gobolada iyo arrimo kale.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa amaanay waxyaabihii dowladda u qabsoomay, intii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha wada shaqeynayeen, hase ahaatee waxaa uu ku taliyay in kala aragti duwanaanshaha iminka jira la xaliyo.

Sidoo kale Mr Kay ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay fikradahooda mideeyaan oo ay meesha ka saaraan kala aragti duwanaanshaha, si iyadoo la mideysan yahay loo tago shirka Copenhagen.

Shirkan ayaa gogol xaar u ahaa shirka Soomaalida ee dhowaan lagu qabanayo magaalada Copenhagen ee dalka Denmarka, iyadoo shirkaas looga hadli doona arrimaha hiigsiga cusub iyo sidii Soomaaliya doorasho uga dhici laheyd sanadka 2016.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada