Wasiirka Haweenka Khadiijo Diiriye oo Shaaca Ka Qaaday Wasiiro Doonaya in ay Iscasilaan!

Wasiirka Haweenka Khadiijo Diiriye oo Shaaca Ka Qaaday Wasiiro Doonaya in ay Iscasilaan!

daajis.com:- Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye , oo Maanta ka qeyb galayshay kulan ka dhacay Muqdisho oo ay iskugu yimaadeen mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ayaa soo hadal qaaday khilaafka madaxda dalka iyo sida ay u socdaa siyaasada oo ay xildhibaanadii laba dhinac u kala jabeen.

Wasiirada Haweenka Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyadu kamid ah xildhibaanada Barlamaanka ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan Wasiiro iyo Wasiiru dowlayaal doonayaan in ay is casilaan ayna doonayan inay dib uga soo muuqdaan xukuumadaha soo socda midaasi oo ay tilmaamtay marnaba inaysan u codeyn doonin.

Waxa ay baaq u dirtay wasiiradaasi oo ay u sheegtay in shaqadaan loogu dhiibay inuu ugu shaqeeyo shacabka dalka Soomaaliyeed.

Waxaa jiray maal mihii dambe in wasiiro iyo xildhibaano ay ka kala safnaayeen madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaraha.


Wasiirada La sugayo in ay is casilaan si ay u dhabar jabiyaan Xukuumada Cabdiweli Sheekh  waxaa ka mid ah Wasiirka Xanaanadaha Xoolaha Faarax Cabdulqaadir, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdulaahi Goodax Bare, Ibraahim Isaaq Yarow Wasiir-ku-xigeenka Ammaanka Qaranka, Mahad Salaad, Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Dibada iyo kuwa kale oo aan magacood la sheegin .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada