Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo soo magacaabaya ra’iisul wasaare kale

Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo soo magacaabaya ra’iisul wasaare kale

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa goordhow shaaca ka qaaday sir qarsooneyd oo ku saabsan in madaxweyne Xasan Sheekh uu soo magacaabayo ra’iisul wasaare kale.

Goodax ayaa barnaamijka Daybreak Africa ee idaacadda VOA-da u sheegay in Madaxweynaha u soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub, haddii Cabdi Weli Sheekh Axmed uu is-casili waayo, islamarkaana ra’iisul wasaaraha cusub uu noqon doono kan sharciga ah ee dalka.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegey in Cabdi Weli uu dhumiyey kalsoonidii madaxweynaha iyo tii baarlamaanka, kaddib markii ay mooshin ka keeneen 140 xildhibaan.

Goodax ayaa sheegay in fashilkii ku yimid mooshinka ay ka danbeeyeen tiro xildhibaano ah oo aad u yar lagana tiro badan yahay, islaamrkaana gaaraya kaliya 20, kuwaas oo daacad u ah ra’iisul wasaaraha.

Wuxuu sheegey in sidoo kale ra’iisal wasaaruhu dhumiyey kalsoonidii inta badan golaha xukuumadda kadib markii ay 16 wasiir u gudbiyeen in uu is-casilo.

Weriyaha oo weydiiyey waxa dhacaya haddii mooshinkii kalsooni kala labaashadu ee baarlamanka uu fashilmey, ayuu Goodax si cad u sheegey in madaxweynuhu soo magacaabayo ra’iisal wasaare cusub, kadibna uu horgeyn doono baarlamaanka markii uu helo codka kalsoonidana xilkiisa loo dhaarin doono.

Goodax ma uusan sheegin inta madaxweynaha uu is-casilaad ka sugi doono ra’iisul wasaare Cabdi Weli, waxaase la filayaa in is-beddel weyn uu dhaco marka madaxweynaha uu kasoo laabto dalka Denmark oo 19-ka bishan lagu qabanayo weji kale oo ka mid ah shirarka hiigsiga 2016 ee Somalia.

Arrinta Goodax uu shaaca ka qaaday ayaa ah arrin aad u weyn, oo ku tuseysa sida xaal yahay, ayna Xasan Sheekh ka go’an tahay inaanu mar dambe la shaqeyn Cabdi Weli.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada