Guddiga arr/dibada Baarlamaanka Kenya oo soo jeediyay in xiriirka loo jaro Soomaaliya

Guddiga arr/dibada Baarlamaanka Kenya oo soo jeediyay in xiriirka loo jaro Soomaaliya

daajis.com:- Guddiga arrimaha dibada baarlamaanka Kenya ayaa ku taliyay in xiriirka loo jaro Somalia, isla markaana xuduudaheeda ka xerato iyadoo albaabadana loo laabayo, hadii baarlamaanka Kenya uu ansixiyo soo jeedintaasi.


Guddiga arrimaha dibada baarlamaanka iyo xukuumadda Kenya ayaa go´aan cadowtinimo ku tilmaamay tallaabada ay dowladda Somalia ku dhaqaaqday ee la xiriirto gudbinta dacwadda ku saabsan muranka badda oo Kenya ay ku sheeganeyso dhul badeed baaxad leh Somalia.

Guddoomiyaha guddigaasi Tetu MP Ndung'u Gethenji ayaa sheegay in go´aanka xukuumadda Somalia ay ka qaadatay muranka badda Somalia ee dacwada ugu gudbisay maxkamadda caalamiga ICJ in uu ahaa mid colaadeed, sidaasi darteedna Kenya ay u jareyso xiriirka Dowladda Somalia.

Sidoo kale guddiga arrimaha dibada baarlamaanka Kenya ayaa soo jeediyay in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada qaxootiga ugu weyn adduunka ee Dhadhaab.

Wuxuu sidoo kale guddiga doonayaa in Ciidamada Kenya ka jooga Somalia, ee bishii October 2011 gudaha u galay Somalia si deg deg ah looga soo saaro.

"Waxaan dareemaynaa in Kenya u sameysay wax badan Somalia, si saaxiibtinimo, laakiin waxa aan ka helayso ma aha wax u dhigma caawimo," ayuu yiri xubin ka mid ah guddiga arrimaha dibada baarlamaanka Kenya oo u waramay Star wargeyska.

"Ma cadda sababta ay xukuumadda Soomaaliya u tageen maxkamadda ICJ , annaga oo tixgelinayna gargaarka bani'aadamnimada, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee naga dhaxeeya" ayuu xubintaasi sii raaciyay warkiisa.

Wasiirada arrimaha dibada Kenya Amina Mohammed ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka hurudo shaqadeeda isla markaana ku guul dareysatay hubinta iyo wax ka qabashada xiisada badeed ee Somalia iyo Kenya oo heer maxkamadeed gaartay.

Sida laga soo xigtay mid ka mid ah xubnaha guddiga baarlamaanka ee arrimaha dibada ayaa sheegay in wasaaradda ku guuldaraysatay inay hubiyaan Heshiiska Is-fahamka u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya oo dowladdii Sheekh Shariif la gashay Kenya.


MAxkamadda caalamiga ee xarunteeda tahay The Hageu ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in labada dowladood looga fadhiyo inay soo dhameystiraan caddeymaha muhiimka ah ee dacwada inta u dhaxeyso 13 July 2015 ilaa bisha May 2016, wixii waqtigaasi ka danbeeyana la dhageysan doono dacwada labada dowladood.

Soo jeedinta guddiga arrimaha dibada baarlamaanka Kenya uu ku dalbaday in xiriirka loo jaro Somalia ayaa ah mid riyo maadaama Kenya aysan ka maarmin Somalia, balse Somalia ay ka maaranto Kenya, waxaana Dowladda Kenya kasoo gala Somalia maalintii Boqolaal Milyan oo ganacsi dhinac walbo leh.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada