Samantha Lewthwaite oo hoggaamineysay weerarkii Wastgate oo lagu dilay Ukraine

Samantha Lewthwaite oo hoggaamineysay weerarkii Wastgate oo lagu dilay Ukraine

daajis.com:- Haweeneyda u dhalatay Britishka ee Samantha Lewthwaite ayaa lagu dilay dalka Ukraine, sida lagu daabacay wakaalada wararka dalka Ruushka ee la yiraahdo Regnum.


Haweenaydan oo lagu naaneeso Carmaladii cadeyd ayaa waxa toogtay askari u dhashay dalka Ruushka mudo labo todobaad ka hor.

“Samantha Lewthwaite oo ka mid aheyd dadka loogu doon doonis badan yahay argagixisada caalamka ayaa waxaa toogtay askari shiishyahan madax bannaan xili ay ka barbar dagaalameysay ciidamada Ukraine`ayaa lagu daabacay wakaalada wararka Regnum ee dalka Ruushka.

Sirdoonada Britain iyo Kenya ayaa horay u sheegay in haweeneydan ay kaalin ku laheyd weerarkii lagi qaadau xarunta Ganacsiga ee Westgate sanadkii hore, waxaa ay horay ugu safartay dalal afrikaan ah sida Koofur Afrika oo ay ka qaadatay baasaboor.


Lewthwaite ayaa waxaa guursaday Germain Lindsay oo ahaa ninkii isku qarxiyay boosteejada tareenada magaalada London ee sanadkii 2005-tii, waxaana la sheegay inay Britain ka tagtay sanadkii 2009-kii.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada