Laamaha amaanka DF oo ka shiray dilkii Taliyihii waaxda socdaalka

Laamaha amaanka DF oo ka shiray dilkii Taliyihii waaxda socdaalka

daajis.com:- Laamaha ammaanka, ayaa waxay maanta shir deg deg ah ka yeesheen dilkii abaarihii 2:45 galabnimo ee maanta Magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Taliyihii Waaxda Socdaalka Duulimaadyada ee Garoonka Aadan Cadde, Maxamuud Cabdi Cadow (Dhabarey).

Marxuumka, aya waxaa lagu dilay agagaaraha Isgoyska KM4 ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyadoo gaarigii uu watay lagu horgooyay gaari kale oo dabley hubeysani ay la socotay, iyagoona rasaas xoogan huwiyay.

Shirkaan, ayaa waxaa shir guddoominaayay Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg, waxaana ku wehlineysay Saraakiisha Ciidamada Dowladda, waxayna shirka kaga wada hadleen dilal kala duwan oo Caasimada ka dhacay.

Dhinacyadaan, ayaa waxay shirka ka soo saareen in si deg deg ah Cadaalada lagu horkeeno raggii dilay Dhabarey iyo laba ka mid ah ilaaladii Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo wadihii gaarigiisa uu ku jiro.

Gaba gabadii shirka, ayaa waxaa Saxaafada la hadlay Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan, kaasoo sheegay in laamaha ammaanka looga fadhiyo inay gacanta ku soo dhigaan, raggii hubeysnaa ee dilalka maanta ka geystay Muqdisho.


Afhayeenka, ayaa shacabka reer Muqdisho iyo masuuliyiinta Dowladda ka tirsan u jeediyay inaanay is dayicin, oo feejignaan dheeri ah ay muujiyaan, si ay uga nabadgalaan nabadiidka.

“Shacabka iyo mas’uuliyiintan waxaa loogu baaqayaa inay feejignaan dheeri ah muujiyaan oo aysan is dayicin, si looga hortago falalka ay maleegayaan dhagar-qabayaasha.” ayuu yiri Maxamed Yuusuf Cismaan.

Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay dilka Taliyihii Waaxda Socdaalka Duulimaadyada ee Garoonka Aadan Cadde, Maxamuud Cabdi Cadow (Dhabarey).

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada