Madaxda Dowladda oo go’aan ku gaaray in si KMG ah loo hakiyo shirka Baydhabo

Madaxda Dowladda oo go’aan ku gaaray in si KMG ah loo hakiyo shirka Baydhabo

daajis.com:- Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soosaaray go’aan si KMG ah loogu hakinayo shirka dhisidda maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka soconayey magaalada Baydhabo.

Ergada shirka ka qeyb galeysa oo gaaraya ilaa 400 ayaa dhowaan ansixiyay dastuurka uu yeelanayo maamulkaas, waxaana dhowaan ay sheegeen inay magacaabi doonaan Gudiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed.

War saxaafadeed wada jir uga soo baxday Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxay si wada jir ah u go’aamiyeen in shirka ka socda Baydhabo la joojiyo.

Go’aankan ayaa halku dhig loogu dhigay Toosinta hab raaca Maamul dhisida Koofur Galbeed Soomaaliya

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii la helay warar sheegaya in Ergooyinka ugu badan ee shirka ka qeyb galaya ay taageersan yihiin Shariif xasan, ayna suura gal tahay inay u doortaan Madaxweyne.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa horay isugu afgartay in shirka la hakiyo, balse Madaxweynaha ayaa dhankiisa la wadaagin fikirkaas, inkastoo haatan ay madaxdu si wada jir ah go’aan u qaateen.

Halkan hoose ka aqriso go’aanka wada jirka ee ka soo baxay Madaxda dowladda:-


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada