Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo loo doortay Shariif Xasan

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo loo doortay Shariif Xasan

daajis.com:- Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa loo doortay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban Seddax Gobol, kadib markii ay u tanaasuleen afar xubnoo oo horay isugu soo sharxay xilkan, kuwaasi oo sheegay in Shariif Xasan ay u arkaan qofka hoggaamin kara maamulkan.

Ergooyinka ayaa cod gacan taag ugu codeeyeen Shariif Xasan, waxaana kasoo qeybgalay doorashada 396, waxaa u coddeeyay 373, halka 15 ay diiday 8 ayaana ka aamustay, waxaana uu sidaas Shariif Xasan ku noqday Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ee saddexda Gobol.

shariif-sakiinShariif Xasan ayaa lagu dhaariyay hoolka lagu doortay, isagoo dhaarinta kaddib khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu ku dadaali doono sugidda amniga gobollada uu maamulkan ka talin doono oo kala ah; Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.


“Waxaan ka shaqeyn doonaa walaaleynta dadka ku nool sadexda goboll ee uu maamulku ka kooban yahay iyo amniga saddexda gobol, waxaan kaloo xoogga saari doonaa sidii looga hortegi lahaa Al-shabaab oo dhibaatoyin ku haya shacabka ku nool saddexda gobol,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in Shariif Xasan galabta uu u ambabaxo magaalada Nairobi, kadibna ugu sii gudbi doono magaalada Copenhagen oo uu uga qeyb galayo shirka New Deal.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada