R/Wasaaraha oo war kasoo saaray baaqii Wasiirada ee is casilaada

R/Wasaaraha oo war kasoo saaray baaqii Wasiirada ee is casilaada

daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa Warsaxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa kaga waramay hadal kasoo baxay xubno ka tirsan Xukuumaddiisa oo ugu baaqayay in uu is casilo, kadib khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha oo saameyn ku yeeshay howlha xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aysan jirin qoraal uu ka helay xubnaha sheegay in ay ka codsanayaan is casilaada, isla markaanka wuxuu soo dhoweeyay  in xubnaha golaha wasiiradiisa cidii aan ku qanacsaneyn xilkiisa Raysul wasaarenimo ay soo gudbiyaan istaqaaladooda si boosaska ay baneeyaan uu ugu magacaabo wasiiro cusub.

“Markaan Arkay qodobka 97-aad ee Dastuurka Soomaaliya faqradihiisa 1,2,3 iyo 4-aad. Markuu arkay Qodobka 100-aad farqradihiisa (a) iyo (b) Markuu tixgeliyey waqtiga adag ee dalku marayo waa in Xubnaha Golaha Wasiirada oo ah awooda fulinta ee dalka waa inay shaqadooda u gutaan si waafaqsan dastuurka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku wargeliyay Wasiiradiisa in aanay qeyb ka noqon khilaafka iyo dhibaatada la doonayo in lagu naafeeyo dadaalka Xukuumada iyo qorshaha Hiigsiga cusub ee 2016.

“Waxaan ku adkeynayaa Golaha Wasiirada inay sii xoojiyaan shaqada ay u hayaan ummadda, kana digtoonaadaan inay noqdaan gacmhii loo adeegsan lahaa burburinta sharciga iyo dowladnimada, waxaan diyaar u yahay inaan aqbalo wasiirkii doonaya inuu is casilo ee garowsada inuu gudan waayay xilkii uu qaranka u hayey.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo dadaalka Beesha Caalamka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay sii wadaan taageerada ay u hayaan qaranimada iyo in sharcigu sareeyo

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa daba jooga hadal uu saaakay sheegay wasiirka arimaha gudaha C/laahi Goodax Barre kasoo ku aadanaa in iyagoo gaaraya ilaa 14- wasiir ay raysul wasaaraha u gudbiyaan warqad ay uga codsanayaan in uu is casilo madaama khilaafka madaxweynaha iyo isaga uu gaaray meel ba’an.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada