M/weynaha iyo wafdi wasiiro ah oo u dhoofay Denmark+Sawirro

M/weynaha iyo wafdi wasiiro ah oo u dhoofay Denmark+Sawirro

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta barqadii ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xubno kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya oo u raacay dalka Denmark, si ay shirkaasi uga qaybgalaan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde Gudoomiyaha Baarlamaanka, saraakiil iyo mas’uuliyiin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Wasiirada Xukuumada ee ka qeyb galaya shirkaas ayaa sheegay in shirkaas looga hadlayo wixii ka qabsoomay arrimaha Hiigsiga cusub iyo waxqabadka dowladda

“Saakay waxaa u soconaa Copenhagen ujeedada loo tagayo waxa weeye in la qiimeeyo halkii sano ee la soo dhaafay New Deal iyo halka uu marayo waxa Soomaalida uga qabsoomay, anagana waxaa geyn doonaa hadii alle idmo warbixin wixii dhacay, wixii dhaqaale na soo galay wixii na soo geli waayay wixii noo qabsoomay”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay saameynta uu shirkaasi ku yeelan karo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in caalamka waxa ay ka damacsan yihiin Somalia ay ka weyn tahay khilaafka labo qof is qabtay, balse shirkaasi uu ka weyn tahay sida loo maleynayo.

Shirkaan ayaa wuxuu furmayaa Maalinta Arbacada oo taariiqda ay ku beegan tahay 19-ka Bishan, waxaana uu socon doonaa muddo labo cisho ah sida uu qorshaha yahay.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada