Video:- Haweeney ka hadleyso Zanzibar ay guursatay oo lagu deyriyay

Video:- Haweeney ka hadleyso Zanzibar ay guursatay oo lagu deyriyay

daajis.com:- Haweeney Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Muqdisho oo guursatay nin u dhashay dalka Zanzibar ayaa shacabka Soomaaliyeed usoo dirtay fariin murugo leh, kadib markii ay ku deyriyeen qoyskeeda oo ay sheegtay in ay ku kala sugan yihiin wadamada Yurub iyo Ameeriko.

Haweeneydan ayaa fariinteeda ku sheegtay in markii hore ay is guursadeen nin ay qaraabo ahaayeen, una dhashay labo cunug, ninkaasi hore ayey sheegtay in reerka ay ka dhalatay ku biili jireen, hase ahaatee ay kala tageen.haweeney-

Markii danbe waxay guursatay ninkani u dhashay Zanzibar, kaasoo ay sheegtay in aysan arki doonin nin la mid ah, soona marin, aadna u jeceshahay, kii horena kaga fiican dhinac walba, iyadoo carabka ku dhufatay in ninkii hore ee Soomaaliga ahaa uu mar walba silcin jiray oo dili jiray isla markaana jaad cun badan.



Haweeneydani oo madaxa ugu jiray digsi gacantana kor ugu haysay burjiko shidan ayaa waxay sheegtay in aysan u baahneyn Dollar ay u soo diraan eheladeeda balse ay u baahan tahay inay baahi kula noolaato ninkeeda Zanzibaarka, waxayna intaa raacisay inaan xitaa lagu aasi karin lacag ka timaada walaalaheed iyo ehelkeeda kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada