VIDEO:- Ciidamada Badda Soomaaliyeed oo loogu deeqay Doomaha dagaalka

VIDEO:- Ciidamada Badda Soomaaliyeed oo loogu deeqay Doomaha dagaalka

daajis.com:- Taliyaha ciidamada badda Admiral Madey Nuureey Ufuroow oo uu wehliyo Abaanduulaha ciidanka xooga dalka ayaa maanta kormeer howleed ku tegay xarun lagu tababarayay cutubyo ka tirsan ciidamada badda.

Kormeerkan oo u jeedkiisu ahaa sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda ciidamada badda ee tababarka uga socda Muqdisho ayaa Taliyaha ciidanka badda iyo abaanduulaha waxa ay warbixinno ka dhageysteen qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka tababarka bixineysay.



Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa kula dar daarmay in tababarka ay si fiican u qaataan, isla markaana waxyaabaha ay barteen ugu adeegaan shacabkooda.



Taliyaha ciidanka badda Admiral Madey Nuureey Ufuroow ayaa sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda iyo xirfadda ciidanka, maadaama ay mas’uuliyad weyn ka saarantahay difaaca iyo ilaalinta xeebaha dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada