Maraykanka oo xaqiijiyey dilka Peter Kassig

Maraykanka oo xaqiijiyey dilka Peter Kassig


daajis.com:- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ka hadlay muwaadin u dhashay Maraykanka oo ay dishay kooxda ISIS.

Peter Kassing oo horey usoo noqday askari kasoo dagaalamay dalka Ciraaq ayaa sanadihii lasoo dhaafay ka shaqeenayey hawlo loogu gargaarayo qaxootiga Siiriya ee ku nool dalkaasi Lubnaan.

Mr.Kassing ayaa lagu qafaashay dalka Siiriya xili uu ka qeyb qaadanayey mucaawino wadankaasi la geeyey, waxayna kooxihii afduubeen gacanta u geliyeen ama ka gateen kooxda ISIS.

Peter Kassing ayaa la sheegay inuu horey u qaatay diinta Islaamka isla markaana la baxay magaca Cabdiraxmaan.

Balse Kooxda ISIS ayaa diiday inay siideyso ninkaasi kadib baaqyo badan oo uga yimid hay’adaha Gargaarka ee Siiriya ee uu la shaqeyn jiray ninkan.

Dilka Peter Kassing ayaa lagu shaaciyey muuqaal ay kooxda ISIS ku faafisay internetka.


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ku tilmaamay falkan mid muujinaya waxashnimada kooxda ISIS oo uu sheegay in ay lama huraan tahay in laga hortago kooxdan si loo xakameeyo khatarteeda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada