Qorshe ay ku kulmi lahaayeen GAAS & Qeybdiid oo fashilmay iyo Xasan oo…

Qorshe ay ku kulmi lahaayeen GAAS & Qeybdiid oo fashilmay iyo Xasan oo…

daajis.com:- Madaxda sare ee Soomaalida ayaa ka qayb-gashay shir looga hadlay arrimaha burcad badeeda oo lugu qabtay magaalada Dubai, balse ka qayb-galka shirka waxaa garab socday kulamo lugu doonayay inay isku arkaan mas’uuliyinta Soomaalida.

Sarkaal sare oo ka mid ah mas’uuliyinta Soomaalida ee shirka ka qayb-galay ayaa sheegay in qorshe ay ku kulmi lahaayeen madaxweynaha Puntland iyo kan Galmudug inuu fashil ku yimid.

xasan iyo qeybdiid Qorshahan lagu kulan siin lahaa labada madaxweyne waxaa waday siyaasiyiin caan ah inkastoo aan la carabaabin, waxaana wararku ay sheegayaan in Qeybdiid uu ka cudur daartay kulankaasi.

Ma jirto cid si faah faahsan ugu hadashay sababta uu Qeybdiid uu u diiday la kulanka Gaas, balse dhawaan ayay ahayd markii uu khilaf soo kala dhex-galay labada dhinac kaas oo ka billowday garoomo diyaaraded oo Gaalkacyo ku yaalla.

Dad ku sugan magaalada Abu Dhabi ayaa sheegay in markii qorshahaasi uu meesha ka baxay kulan gaar ah ay qaateen madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii ka socday Galmudug oo uu ugu horeeyay Jen. Qaybdiid.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada