R/Wasaaraha oo war kasoo saaray khilaafka isaga & Madaxweynaha

R/Wasaaraha oo war kasoo saaray khilaafka isaga & Madaxweynaha

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feederaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ku tilmaamay khilaafaadka siyaasadeed ee hadda dalka ka jira inuu u baahan yahay in lagu xaliyo wada xaajood iyo is qancin.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee noocaan ah uu dalka u horseedi karo in aan si wanaagsan loo xaqiijin Hiigsiga 2016, oo la rabo Soomaaliya in ay ka dhacdo doorasho ay ka qayb qataan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray 24-kii sano ee la soo dhaafay colaado, abaaro, qalalaaase siyaasadeed oo u horseeday bur-bur soo gaara haykalkii dowladnimo ee dalka. Anagoo ka tusaale qaadanayna dhibaatooyinkaas na soo maray, waa inaan dhamaanteen u wada istaagno samatabixinta dalka iyo dadka. Waana in aan meel uga soo wada jeedsano sidii aan u ilaalin lahayn ku dhaqanka dastuurka KMG iyo sharuucda kale ee dalka u yaala” ayuu yiri RW Cabdiwali.
new-deal-muqdisho-4Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkisa sii wata ayaa yiri “ Wax kasta oo khilaaf siyaasadeed ah waxaa haboon in loo maro hab ku dhisan wada xaajood, is qancin iyo u turid dowladnimada curdanka ah ee Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay arrimaha hada socda ayuu sheegay inay saameyn karaan nabad ku soo dabaalida dalka iyo ciribtirka argagaxisada, hirgalinta iyo xaqiijinta nidaamka federaalka. Waxaa sidoo kale mudan in la tixgaliyo lana dhiiri galiyo dadaaladda beesha caalamku ee ku aadan dib u dhiska dalka iyo xaqiijinta hiigsiga 2016-ka.


Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in loo baahan yahay in awooda dhan la isugu geeyo taaba galinta howlaha qorshaysan ee lagu gaarsiinayo dalka doorashooyin xorr ah oo ka dhaca sanada 2016.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa 25-kii bishii la soo dhaafay soo kala dhex galay kala aragti duwanaan xoogan, kadib markii Ra’iisul Wasaaruhu isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, iyadoo Madaxweynuhuna uu waxba kama jiraan ku tilmaamay isku shaandheyntaas.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya, iyadoo fadhigii Baarlamaanka ee maanta uu ku dhamaaday buuq iyo sawaxan, kadib markii Mudanayaal ka soo horjeeday mooshinka laga keenay ay is hor-taageen in shirka la furo, si loogu qeybiyo nuqulada mooshinka Xukuumada

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada