Wasaarada Amniga qaranka oo ka hadashay Dilalkii Maanta Muqdisho ka dhacay

Wasaarada Amniga qaranka oo ka hadashay Dilalkii Maanta Muqdisho ka dhacay

daajis.com:- Wasaarada Amniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii falalka dilka ah maanta Muqdisho ka geystay


Kulankaan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Qaranka mudane Khaliif Axmed Ereg oo ay goob joog ka ahaayeen Taliyeyaasha ciidamada ayaa looga hadlay falal dil ah oo maanta Muqdisho si gooni gooni ah uga dhaceen, waxaana uu Wasiirka ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay falalkaasi dilka ah.


Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradda Amnigu ay amar ku bixisay in gacanta lagu soo dhigo falalkii lagu dilay Taliyaha Waaxda Socdaalka ee garoonka Aadan Cadde Marxuum Maxamuud Cabdi Caddow “Dhabareey”, iyo labo kale oo ka tirsaan Wadihii baabuurka Xildhibaan Dalxa iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.

“Waxna waa ka hortag waxna waa ka daba tag, markii kooxihii maanta Muqdisho ka geystay falalka dilka ah cadaaladda ayaa la horkeeni doonaa, shacabka iyo mas’uuliyiintana waxaa loogu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan oo aysan is dayicin, si looga hortago falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ciidamada amniga loogu baaqay in ay xoojiyaan xaqiijinta amniga oo ay ka hortagaan hagar daamada kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay sii labo jibaaraan taageerada ay siinayaan ciidamada amniga.


Kooxo hubeysan ayaa maanta siyaabo kala duwan weeraro gaadmo ah uga fuliyay Muqdisho, iyadoo Xildhibaan Dalxa uu ka badbaaday fal la doonayay in lagu qaarajiyo, waxaana weerarkaasi ku dhintay wadihii gaariga iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale fal kaa la mid ah ayaa lagu dilay Taliyihii Waaxda Socdaalka ee garoonka Adaan Cadde Marxuum Maxamuud Cabdi Caddow oo la yaqiinay “Dhabareey”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada