Fadhigii Baarlamaanka oo buuq ku dhamaaday: Warbixin

Fadhigii Baarlamaanka oo buuq ku dhamaaday: Warbixin

daajis.com:- Waxaa saaka hoolka shirarka ee xarunta Baarlamaanka isugu yimid Xildhibaanada si loo guda galo ajandaha shirka maanta oo qeyb ka ahaa qeybinta mooshinkii laga soo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha, hase ahaatee bilowgii shirka baarlamaanka ayaa buuq iyo fowdo ku bilowday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenadiisa oo kulanka kasoo qeybgalay ayaa isku dayay in xildhibaanada dejiyaan, kadibna la furo shirka, hase ahaatee Xildhibaanada taageersan Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hortegay sawaxan iyo buuq, iyagoo ujeedadoodu aheyd in aan la qeybin wax mooshin ah oo Ra’iisul Wasaaraha laga soo gudbiyay, kaasoo qeexayay kalsooni kala noqosho.

Markuu uu u caal waayay Guddoomiyaha buuqa iyo fowdada Xildhibaanada taageersanaa Ra’iisul Wasaaraha ayaa wuxuu ku dhawaaqay in shirka maanta uu xeran yahay, inta fadhiga xiga laga gaarayo.

guddoon-baarlamaan“Fadhiga maanta waa inoo xeran yahay, inta fadhiga kan xiga laga gaarayo, waxaana caddeynayaa in lala xisaabtami doono xildhibaanada buuqa sameysay in lala xisaabtami doono”ayuu yiri Prof. Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale Xildhibaanada ka soo horjeeday mooshinka ayaa la wareegay buugii xaadirinta Xildhibaanada iyo waraaqihii ajandayaasha shirka ee qeybta ka ahaa qeybinta mooshinka, iyagoo watay qoraalo ay ku qornaayeen in aan cod lagu bedelin lacag (No Vote Fo Cash).

Guddoomiyaha Baarlamaanka ma uusan sheegin xiliga kulanka danbe la isugu soo laabanayo, waxaana muuqata in aysan sahlaneyn mooshinka cod u qaadista Ra’iisul Wasaaraha in uu si fudud ku qabsoomo.


Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka oo laba garab u kala jabay, waxaana arintani ay saameyn doontaa siyaasadda dalka.

Wakiilada ka socda Beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Somalia ayaa xal ka gaari waayay in la baajiyo ridista Ra’iisul Wasaaraha, waxaana fashil ku dhamaaday kulamo dhowr ah oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay si kala gooni gooni ah ula yeesheen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in aysan wada shaqeyn karin Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana marka Baarlamaanka go’aan ka gaaro arintan go’aanka kasoo baxa uu ku dhaqmi doono, haddii kalsoonida lagala laabtana uu si deg deg ah kusoo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare cusub.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada