Al-Shabaab oo sheegatay weerarki maanta lagu dilay xildhibaan hore, midkale na lagu dhaawacay

Al-Shabaab oo sheegatay weerarki maanta lagu dilay xildhibaan hore, midkale na lagu dhaawacay

daajis.com:-  Al-shabaab ayaa sheegatay masĂșuliyadda weerarkii maanta lagu dilay xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka dowladii KMG ahayd oo lagu magacaabi jiray Liibaan.


Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka dhinaca howlgallada ee Shabaab ayaa sheegay inay ka dambeeyeen weerarki maanta ka dhacay Muqdisho ee lagu dhaawacay xildhibaan Mayow Mustaf, halka saddex qof oo uu ku jiro xildhibaan hore ay geeriyoodeen.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen ciidankooda gaarka ah, waxaana uu tilmaamay inay xoojin doonaan weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho.

Wa weerarki labaad ee Shabaab ay muddo laba maalin gudahood ah ka geysato magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada