Daawo Sawirada:- Hooyo ilmo khaldan laga soo siiyay isbitaalka, 20-sano kadibna ogaatay

Daawo Sawirada:- Hooyo ilmo khaldan laga soo siiyay isbitaalka, 20-sano kadibna ogaatay

daajis.com:- Labaatan sano ka hor ayaa waxaa ka dhacday cusbital ku yaal dalkaasi Fransiiska dhacdo xaruun ku reebtay labo hooyo oo hal isbitaal ku wada umulay kuwaas oo qaab khalad ah loogu kala badalay caruurtooda.


Sophia Serrano oo ah haweeney cadaan ah waxaa cusbitalka laga soo siiyay markii ay umushay ilmo dhiig madow ah ku jiro, dhacdadaas oo nolosheeda saameyn weyn ku reebtay ninkeediina ay ku kala tageen , isagoo uga shakiyay in ay gogol-dhaaf sameysay isaga oo aan ogeyn.

Iminka oo ay hooyo Saphie ogaatay mudo 20-sano kadib in ilmahaasi ay dhibka badan isla soo mareen eysan iyada dhalin dheecaan laga qaaday kadib, waxayna iminka maxkamad la fuushay cusbitaalkii ay ku umushay oo ku yaal magaalada Canes ee dalkaasi Fransiiska.

Waxa ay dalbaneysaa magdhow kor u dhaafeysa 100-milyan oo euro, iyadoona ay arrinkan ku raacsan yihiin reerkii kale ee ilmeheeda la siiyay ee loo kala badalay.

Hooyo Sophie ayaa qirtay in ay ka shakisay gabadha ay korineysay marar badan, waxayna tiri: "Waan shaliyay dhowrjeer, oo xitaa maalmihii ugu horreyay ee ay muluqa aheyd, gabadhu waa ila timo badneyd, waana iga maqaar gadisneyd".



Markii ay gabadha yara weynaatay ayay aad isu sii badashay, waxaana ay go aansadeen labaduba in ay dhakhtar aadaan, ayna dheecaan iska qaadaan si ay u ogaadaan in ay is dhaleen.

Dheecaanka ayaa xaqiijiyay in labadan qofood aysan is dhalin, waxaana ay bilaabeen in ay isku baroortaan..

Gabadha oo dhankeeda ka hadashay arrintan ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay arrinkan, ayna hooyo Sophie u aaminsantahay hooyadeed eysan cid kale aqoon.

Hooyo Saphie ayaa u cadeysay "gabadheeda" in aysan marnaba dayici doonin, islamarkaana jaceylkiidii hooyonimo uu sii xoogeysano..



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada