VIDEO:- Maxkamadda ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay askar iyo xubin Shabaab ah

VIDEO:- Maxkamadda ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay askar iyo xubin Shabaab ah

daajis.com:- Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay Sedax gacan ku dhiigle oo labo ka mid ah ka tirsanaayeen ciidamada Dowladda, halka midka kale uu ahaa Al-Shabaab.


Sedaxdan dhalinyarada ee la toogtay ayaa waxay kala ahaayeen Ibraahim C/llaahi Cali oo horay u dilay Filim qaade lagu magacabai jiray Sakariye Maxamed Maxamuud  lagu dilay degmada Shibis iyo Ex Dable Cali Mambuuq.

C/laahi Cartan Maxamuud oo 22 jir ah horayna uga tirsanaa Ciidanka qalabka sida ee Somalia kaas oo horay u dilay Axmed Cabdiraxmaan Shariif oo uu ku dilay Degmada Shibis iyo Ex Dable C/fitaax Axmed Cabdi oo 29 jir ah oo isna ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Somalia dilayna Maxamuud Xasan Maxamed.

Aabaha dhalay Sarakariye Maxamed Maxamuud Macalin oo saaka goob joog ahaa Goobta lagu toogtay Gacan ku dhiiglihiui dilay Wiilkiisa ayaa soo dhaweeyay Xukunka Maxkamadu fulisay isagoo sheegay in ay muuqato cadaalad iyo garsoor Bulshadu ay isku haleyn karto Waxaana uu ku taliyay in sidaan oo kale Cadaalada loo mariyo cid kasta oo disha muwaadin aan dambi gelin.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada