Buubaa “Waxa Somalia kasoo ifbaxaya dan uguma jirto dowladda SOMALIA”…

Buubaa “Waxa Somalia kasoo ifbaxaya dan uguma jirto dowladda SOMALIA”…

daajis.com:-  Xili Xisbiga Mucaaradka UCID ee Maamulka Somaliland sheegay in Somalia ay sii kala qeybsameyso madaxweyne Xassan sheekhna loo baahan yahay inuu maamuladaasi isu uruuriyo, ayaa waxaa si lamid ah arrintaasi uga hadlay Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa.

Waxa uu sheegay Buubaa inaan la joogin xiligii lasii kala qeyqeybin lahaa dalka Somalia, waxa uuna taasi ku sheegay mid aan munaasab u aheyn Qaranka Somalia.

Waxa uu Buubaa cadeeyay inay soo ifbaxeyso dhismaha Gobolo badan oo iyagu qaarkood aan u dhaga nugleyn ka amarqaadashada DF Somalia, taasina ay meel uga dhaceyso Hanaanka dowladnimo.

Buubaa waxa uu sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku aadan shirkii dhawaan Jabuuti ay ku yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Wuxuu kulankaasi ku sheegay mid in badan ay Soomaaliya ku taahmeysay, balse iminka ay bilaabmeen.

Aragti ahaan wuxuu carabka ku dhuftay in qodobada kasoo baxay shirka ay yihiin kuwa u gogol xaaraya qaadashada nidaamka Dimuquraadiga, taasi oo ay micnaheedu tahay in la gaaray xili ay Somaliland kursiga wada hadalka la fadiisato Madaxda qaranka.

Buubaa ayaa meesha ka saaray in xilligaan ay suurta gasho Somaliland in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’do, waxaana uu tilmaamay in kulamada soo aadan laga yaabo in lagu xaliyo waxyaabaha la kala tabanaayo.


Isagoo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Anigu uma arko in wadanka Laba ama Seddax u kala qeybsami karo, ma ahan Somaliland oo kaliya cidda u hanqal taageysa in wax gooni ah ay iska yeeshaan, arintaasi waa arin khatar dhulka Soomaaliyeed, Mandiqadda iyo caalamkaba ku ah, aniga waxaan u arkaa in la’isku caqli celin doono, midnimada ayaa danta guud ku jirtaa, wixii xuquuq ah loo sinnaado, laakiinse Soomaaliya meel ay ku kala go’do xilligaan lama joogo” ayuu yiri Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay doorka beesha caalamka ee ku aadan wada hadalada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayuu sheegay in ay meel wanaagsan ka ciyaarayaan, islamarkaana ay doonayaan in wax walba lagu xaliyo miiska wada hadalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada