Document: Shaqaalihii DFS ee Turkiga loo oo qaaday tallaabo aan laga fileyn

Document: Shaqaalihii DFS ee Turkiga loo oo qaaday tallaabo aan laga fileyn

daajis.com:-Qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee tababarrada loogu qaado dalka Turkiga, ayaa billaabay inay sameeyeen ficillo ka duwan ujeeddadii ay dowladda u dirtay.

Sida ku cad warqaddan ka soo baxday Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, waxaa dhowaan gaaray halkaas shaqaale loo qaaday tababar IT ah, balse laba maalmood kadibna waxaa baxsaday qara ka mid ah shaqaalaha.

Sida lagu sheegay warqadan ay heshay Caasimada Online oo safaaradda ay u dirtay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, shaqaalaha baxsaday oo gaaraya illaa 4, ayaa usii gudbay dalka Greece.

Inkatsa oo aan la ogeyn sababta ay u baxsadeen, haddana waxaa loo maleynayaa inay doonayaan inay usii gudbaan dalalka kale ee Yurub, si ay halkaas isaga dhiibaan qaxootinimo.

Halkan hoose ka arag warqadda

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada