UCID oo is bar-bar dhig ku sammeysay Khudbadihii ay Xassan iyo Siilaanyo ka kala jeediyeen Muqdisho iyo Hargeysa

UCID oo is bar-bar dhig ku sammeysay Khudbadihii ay Xassan iyo Siilaanyo ka kala jeediyeen Muqdisho iyo Hargeysa

daajis.com:-  Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray hadalada aadka u kala fog ee ay ku kala hadleen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo kan maamulka Somaliland, markii ay ka soo laabteen shirkii ay ku yeesheen dalka Jamhuuriyadda Jibouti, ee ay ka soo degeen magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga mucaaridka ah ee UCID, oo ku saxeexan yahay Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga.

War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiraninna waxa uu u dhignnaa sidatan

WAR SAXAAFADEED

Xisbiga UCID waxa uu leeyahay Iyamaa run sheegaya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Siilaanyo


Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Waxaa uu war-saxaafadeedkan ka soo saarey hadalada aadka u kala fog ee ay ku kala hadleen labada Madaxweyne ee kala ah Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha Somaliland, markii ay ka kala Dageen Garoonka 22 December 2014 labada madaar ee Madaarka Aden Cade Muqdisho iyo Cigaal Hargeysa ayaa mid waliba waxaa uu war-saxaafadeedkii uu bixiyey ku sheegay hadalo aad u kala fog oo ahaa Sidan.

Madaxweynaha Somaliland waxaa uu dadkiiisa u sheegay in kulankii dhex-marey Isaga iyo Xasan Sheekh Maxamud ay ku Heshiiyeen

- In wixii hore loogu heshiiyey sidoodii loo fuliyo
- In bisha february 2015 wadahadaladii dib uga furmaan Turkiga
- In la dar-dar galiyo wadahadalada si arimuhu hore ugu dhamaadaan
- In dawlada jibouti ay goob joog ka Ahaato markii loo baahdaba wadahadalada

Halka uu Isaguna Ka Sheegay Aragti Taa Ka Duwan Madaxweynaha Muqdisho Ee Xasan Sh.Maxamud oo Aheyd

- In wixii hore loogu heshiiyey sidoodii loo fuliyo
- In bisha February 2015 wadahadaladii dib uga furmaan Turkiga
- In la dar –dar galiyo wadahadalada, si midnimadii Somalia ay u soo dhamaystiranto 2015
- In dawladii jibouti ay goob joog ka ahaato markii loo baahdaba wadahadalada Somalia iyo Somaliland

Waxaa uu intaa raaciyey Xasan Sheekh Maxamuud in saacado badan ay si hoose u wada-hadleen isaga iyo Siilaanyo
hadaba dhamaan muwaadiniinta Somaliland Mucaarad iyo Muxaafidba iyamaa xaqiiqda dhabta ah shacbigiisa u Sheegaya

Waxaanu war-saxaafadeedkan ku soo gabagabeyneynaa maah maah Soomaaliyeed oo tidhaahda (WAX HA LAGUU SHEEGYE MAANKAAGA LA KAASHO) Jawaabtuna shacbiga Somaliland ayey u taalaa hadii aanu nahey Xisbiga UCID si Balaadhan ayaanu uga hadli doonaa arintan

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID
Yuusuf Kayse Abdillaahi

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada