Daawo:- Daacish oo Tacadiyo Xanuun Badan kula dhaqaaqay Haween ay qafaasheen

Daawo:- Daacish oo Tacadiyo Xanuun Badan kula dhaqaaqay Haween ay qafaasheen

daajis.com:- Waxaa soo baxay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xadgudubka ay kooxda Daacish ku samayso dumarka ay qabsadaan, kadibna u iibiyaan in jirkooda laga isticmaalo.

Dadkii ka soo baxsaday oo u dhashay Yazidiga Ciraaq ayaa BBC u sheegay waxa naxdinta leh ee ay kala kulmeen gacanta Daacish. Waxay shheegeen inay jiraan suuq dadka adoonta lagu gato oo dumarka iyo gabdhaha lagu kala iibsan karo lacag yar oo dhan laba iyo toban dollar.

Dadka la haystay ayaa la soo celiyay iyagoo la dilay oo dhaawac ah, si mar kale loo iibiyo. Qof soo fakatay ayaa sheegtay nin kooxda Daacish ka tirsan oo Yurub ka yimid inuu guriga shan qof oo Yazidi ah uu guriga gaystay. Waraaqo ay qaybiyeen Daacish ayaa sheegaysa mintidiinta xaqa ay ku leeyihiin adoonta Kiristaanka iyo Yazidiga.

Waxay sheegaysaa inay la seexan karaan gabdho aan qaangaarin. Mid ka mid ah dumarka la haystay ayaa is dishay si ay uga fakato dhibka loo gaysanayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada