Daawo Muuqaal ka jawaabi weysay su’aal xisaab ah oo uu weydiiyay wiil 10 jir ah

Daawo Muuqaal ka jawaabi weysay su’aal xisaab ah oo uu weydiiyay wiil 10 jir ah

daajis.com:-  Wasiirka Waxbarashada UK, Nicy Morgan ayaa diidday inay ka jawaabto su’aal xisaab ahayd oo uu weydiiyay wiil 10 sano jir ah. Wiilka oo ku adkeysanaya su’aalihiisa ayaa mar kale weydiiyay su’aal tii hore ka adag.

Wasiiradda ayaa ka hadleysay barnaamij ka baxayay taleefishinka Sky News oo ay ka qeybgalayeen koox carruur ah, waxaana carruurta fursad loo siiyay inay wasiirka weydiin karaan su’aashii ay doonaan.

Su’aasha la weydiiyay wasiirka waxay ahay (What is the cube root of 125?), ayna diidday inay ka jawaabto, iyadoo tiri “Waxaan u maleynayaa inay fiican tahay in siyaasiyiintu aysan raadiyaha iyo talefishinka uga jawaabin su’aalaha la xiriira xisaabta iyo hingaadda.”

Wiilkii ayaa ku adkeystay inuu mar labaad weydiiyo su’aal kale oo xisaab ah, taasoo ahayd  Markii ay wasirku diidday inay mar labaad ka jawaabto, ayaa weriyihii barnamijka xiriirineysay ay weydiisay wiilka inuu jawaabto bixiyo, iyagoo yiri “waa 5″.

Haddaba sideed u aragtaa in wasiirka waxbarashadu ay su’aashaas ka jawaabi weyso?

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada