Daawo Yaabkan :- Aabe Caruurtiisa ku geeyay Kaare Iskoolkii ay dhiganayeen

Daawo Yaabkan :- Aabe Caruurtiisa ku geeyay Kaare Iskoolkii ay dhiganayeen

daajis.com:- Aabe Ingiriis ah ayaa ka yaabiyay ardayda iyo macalimiinta dugsiga ay dhigtaan labo wiil oo uu dhalay, ka dib markii uu labadiisa inan isagoo ku sida kaare ama dabaabad kuwa ciidamada ah uu iskuulka ku keenay sida gaadhiga oo kale.

Sida ay ku warantay jariirada The Global Times ee dalka Shiinaha ka soo baxdaa, aabahan lagu magacaabo, Nick waxa dadka la jaarka ahi, ku ogaayeen inuu haysto ilaa dhawr iyo toban tiknikada taariikhiga ah ee ciidamada Ingiriisku lahaan jireen, kuwaas oo uu goob mad-xaf ah ku ilaaliyo, ahna hantidiisa £2million, labada milyan oo gini lagu qiyaasay.

Laakiin waxa dadka ku cusbaa todobaadkan ayaa ahayd ka dib markii uu ku soo qaaday, labadiisa wiil ee  Ashley, oo 13-jirah iyo Danny oo lix iyo toban jir ah, dabaabad ka mid ah kuwii ciidamada Ingiriisku isticmaali jireen wakhtiyadii hore ee taariikhiga ah.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada