Daawo Sawirada Bas ku shaqeynaya saxarada bani aadamka oo la soo saaray

Daawo Sawirada Bas ku shaqeynaya saxarada bani aadamka oo la soo saaray

daajis.com:-  Gubashada Shidaalka faraha badan ee lagu gubo  magaalooyinka waxaka dhasha dhibaato caafimaad mid deegaan iyo midda ugu weyn ee maanta adduunku ka welwelayo oo ah wasaqeynta naqaska ama hawada ay nooluhu qaataan dhir iyo xayawaanba.

Dadaalada lagu yareynayo awood ka dhilinta shidaalku waxa ay ka socdaan meelo badan oo ka mid ah dunida

Haddaba Dhowaan Biriten waxa ay billowday dhorw waab howleed (Workshop) kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu dhimo gubashada shidaalka oo dhaqaale badan ku kaca islamrkaana halis caafimaad u horseeda.

Mashaariicda ay Biriten ku yareyneyso awood ka dhalinta shidaalka waxaa ka mid ah Baska Bio Bus oo ku shaqeynaya saxarada bani’aadamka halkii uu uu adegsan lahaa shidaal.

Warkan oo Biriten ka ah mid farxad leh ayaa lagu qoray wargeyska Zoud oo laga leeyahay Waddanka Germany

Si loo muujiyo in Bio Bus in uu ku shaqeynayo saxarada bani’aadamka waxa xagga sare lag sawiray ee saqafka Baska lagu sawiray dad ku xaajo gudanaya musqulaha Bio Bas, taas  oo wadata tusaalooyin muujinaya in Basku adeegsanyo shidaal ahaan saxarada qofka, sidaa awgeed qalab outamatic ah oo ku dhexyaal musqusha ayaa u mahadcelinaya qofka ku saxarooda Musqusha iyada oo saxaradiisu ay qayb ka noqon doonto shidaalka Baska.

Bio Bas ayaa markii ugu horreysay ka qaaday dad safar ah magaalafa Bath kuwaas oo ku jeeday garoonka diyaaradaha ee Bristol




Salbatooyada Bio Bas waxa ay qaaddaa saxarada 40 qof, waxa uuna isticmaalayaa saxara shan qof masaafo dhan 300 km

Shirkadda Geneco oo qaabilsan awood ka dhalinta haraaga Noolaha sida bani.aadmaka, xoolaha, dhirta iyo cayayaanka ayaa soo saartay Bio Bus

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada