Dhaqannada guurka ee ugu layaabka badan waddamada carabta

Dhaqannada guurka ee ugu layaabka badan waddamada carabta

daajis.com:- In badan oo kamid ah dhaqamada iyo caadooyinkii hore ayaa ka jira qaar kamida waddamada carabta gaar ahaan dhanka guurka, in kasta oo inta badan dhaqamadaan ay ku koobanyihiin meelaha baadiyaha ama miyiga ah. Haddana dadku way isticmaalaan iyaga oo aan ka fakarin dhaqanka ay samaynayaan micna ahaan waxa uu ku fadhiyo ama xitaa dhibka laga yaabo inuu kasoo gaaro.

Haddaba halkaan kaga bogo qaar kamid dhaqamadaas iyo waddamada ay ka jiraan:

Tuunis: dhaqamada ka jira ee la xiriira guurka waxaa kamid ah inay gabadho ka dul boodo dhowr jeer kalluun ama mallay, taas oo ka dhigan in haddii ay sidaas samayso uu wanaagsanaan doono nasiibkeeda iyo mustaqbalkeeduba.

Marooko: dhaqamada guurka waxaa kamid ah in aroosaddu habeenka koowaad ee aqal galkeeda ay bajiso ama jabiso Ukun, taas oo ka dhigan in guriga cusub uu heli doono wanaag iyo barako.

Suudaan: xilliga ay dhacayso xafladda aroosku waxaa caado ah in aroosaddu dhulka isku tuurto, isla markaane uu ninka arooska ah uu ku qasbanyahay mar waliba inuu qabto oo aanay dhulka ku dhicin gacalisadiisu, hadday timaado inay gabadho dhulka ku dhacdo halkaas waxaa ku ceeboobaya ninka arooska ah.

Lubnaan: waxaa jira qaar kamid ah lamaanayaasha is aroosaya inay gabal yar oo cajiin ah ku dhajiyaan darbiga gurigooda cusub, taas oo ka dhigan in gurigaas uu barakoobayo.

Imaaraadka: dhaqamada guurka waxaa kamid ah in ninka guur doonka ah orod lug ah uu ku tago guriga gabadha uu guursan doono, waliba marka uu guriga ku dhawyahay wuxuu bixinayaa qaar kamid ah dharka uu xiranyahay.

Suuriya: waxaa kamid ah dhaqamada ka jira in lamaanaha is guursanaya ay kasoo lugeeyaan guriga u ka dhaco aroosku ilaa midka cusub ee ay dagi doonaan.

Ciraaq: waxaa ka jira qabiillo qaar ay dhaqan u tahay in habeenka aqal galka lamaanaha uu firaashkooda ama halka loogu talo galay jiifka uu ku kaadinayo wiil yar, taas oo ay aaminsanyihiin inay arooskaan cusub u keenayso barako, iyo sidoo kale inay aroosadda cusub da’da koowaad ay dhali doonto wiil. Sidoo kale dalka Ciraaq waxaa ka jira in: Gabadha gur doonka ah ay magaceeda ku qorayso kabaha ninka ay doonayso inay la wadaagto nolosha.

Intaas iyo in kalaba waxay kamid yihiin dhaqamada guurka la xiriira ee ka jira qaar kamid ah waddamada carabta.

Ogow dhaqamadaan ma ahan mid laga isticmaalo waddanka ay ka jirto dhamaantiis, laakin waxaa laga isticmaalaa dhanka baadiyaha ama miyiga. Sidoo kale dadka dhan ee ku noo waddankaas ma wada isticmaalaan.



Ma is leedaha waa dhaqamo layaab leh, midkee ayaad la yaabtay? Dhaqanka soomaalida ee dhanka guurka ma jiraa qodob ay is leeyihiin ama ay isu dhawyihiin dhaqamadaan, maadaama soomaaliya ay qayb ka tahay waddamada carabta oo ay xubin ka tahay jaamacadda carabta?

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada