Daawo:-Muuqaal Maxaa kala heeysta Dagaalyahanada Daacish iyo xaflada ugu weyn Shiicada dalka Ciraaq !!

Daawo:-Muuqaal Maxaa kala heeysta Dagaalyahanada Daacish iyo xaflada ugu weyn Shiicada dalka Ciraaq !!

daajis.com:-  Magaalada barakeysan ee Kerbela oo 80 Km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq ayaa waxaa ka socda xaflado iyo dabaaldegyo balaaran oo ay dhiganayaan dadka Shiicada ah waxaana magaaladaan soo buux dhaafiyay Malaayiin qof oo guud ahaan dalka Ciraaq ka kala yimid.


Amaanka magaalada Kerbela ayaa aad loo xoojiyay waxaana jid kasta la dhigay ciidamo Milatari ah oo dadka iyo gawaarida baarayay. Dagaalyahanada ururka Daacish kuwooda ka dagaalama gudaha dalka Ciraaq ayaa waxeey soo direen hanjabaadyo, kuwaas oo sheegay inay diyaariyeen ragii isku qarxin lahaa xafladaha ay dhiganayaan Shiicada dalka Ciraaq gaar ahaan kuwa u dabaaldegaya ciida loo yaqaan (Cashuura) . 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada