Siyaasi ku cusub Somalida oo xilka R/W u dhow iyo beelaha Hawiye oo diidan

Siyaasi ku cusub Somalida oo xilka R/W u dhow iyo beelaha Hawiye oo diidan

daajis.com:-Xog ay heshay shabakada daajis ayaa sheegeysa in nin ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya uu iminka yahay ninka ugu horreeya loolanka xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ilo ku dhow xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa shabakada daajis u sheegay in Axmed Ciise Cawad uu yahay shaqsiga loo badinayo in xilka ra’iisul wasaaraha loo magacaabo, haddii aysan gadaal wax iska beddelin.

Axmed oo 54 jir ah waxa uu kasoo jeeda beesha Ciise Maxamuud ee Majeerteen, waxaana uu si aad ah ugu dhow yahay kooxda Damu-jadiid ee hoggaanka dalka haysa.

Waxaa uu shahaado Bacheloar of Arts: Political Science ka qaatay jaamacadda Concordia University ee magaalada Montreal ee dalka Canada sanaddii 1999-kii.

Sidoo kale waxa uu shahaado Master of Arts: Peace and Security Studies ka qaatay jaamacadda Addis Ababa University, waana musharax PhD ee jaamacadda Sudan University of Science and Technology.

Axmed waxaa khibraddiisa shaqo ka mid ah inuu la shaqeeyey QM oo uu madax u ahaa koox shaqadooda ahayd inay nabadda ka dhiiri geliyaan gobolka Darfur ee dalka Sudan, ayada oo xaruntiisa ay ahayd magaalada Khartoum.

Si kastaba, magacaabista Axmed ayaa waxaa hadda caqabad ku ah beelaha Hawiye, gaar ahaan Habar-Gidir oo rumeysan in magacabista nin kasoo jeeda deegaanada Puntland ay caqabad ku noqon karto dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Siyaasiyiin iyo Odayaal ka tirsan beelaha Hawiye ayaa madaxweynaha uga digay inuu qof reer Puntland ah ka dhigo ra’iisul wasaare, ayaga oo rumeysan inuusan dhex dhexaad ka noqoneyn arrinta gobollada dhexe, waxaana laga yaabaa in diidmada Hawiye darted uu ku waayo xilka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada