Daawo:- Wiil Farole Adeerka u ahaa oo Shabaab toogatay oo ka shifay

Daawo:- Wiil Farole Adeerka u ahaa oo Shabaab toogatay oo ka shifay

daajis.com:- Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaal ay ka duubeen ka hor inta aan la dilin Wiil uu adeer u ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, kaasoo la yiraahdo Axmed Cabdullaahi Maxamed Faroole oo bilowdii Sanadkan lagu dilay magaalada Baraawe, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay maamulkii Adeerkiis Faroole.


Muuqaalkaan ayaa wuxuu ugu waramay howshii lagu qabtay ee Wiilasha adeeradiis ugu soo wakiisheen inuu usoo gudbiyo xoggaha Al-Shabaab iyo in Puntland ay dhaqaale ku bixin jirtay burburinta Al-Shabaab iyo abuurida kooxo kale, sidoo kale gacan saar ay la lahaayeen Xisbigii burburay ee Xisbul Islaam iyo arrimo kale.

Wuxuu Axmed Cabdullaahi Maxamed Faroole muuqaalkaan uu ku sheegayaa in Maamulkii Adeerkiis madaxda ka ahaa iyo shirkadda ilaalada xeebaha ee Saracen hadafkii iyo danihii ka dhaxeeyay oo uu ku tilmaamay la bixida qeyraadka dalka, isagoo sheegay in ay la baxeen macdanta bariga iyo biyaha dhex ceegaagnaa ee deegaanada Puntland.

Wuxuu sidoo kale ka sheegeynayaa qaabkii uu u bilaaway hoshan, isagoo sheegaya in ilma adeeradiis Maxamed Faroole iyo walaalkiis Cumar Cabdullaahi oo ahaa taliyihii madaxtooyada inay howshan geliyeen kana codsadeen inuu howshaaas wakiil ugu noqdo kuna bixin jireen dhaqaale.

Muuqaalkaan oo soconayo ku dhawaad 28 daqiiqo ayuu wuxuu ugu hadlayaa bilow ilaa dhamaad howlihii uu ka fuliyay Koonfurta Soomaaliya iyo wixii loo soo wakiishay, kadibna waxay Al-Shabaab ku fulisay xukun dil ah.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada