Madaxa CIA-da Maraykanka oo ka hadlay eedeymihii jirdilka

Madaxa CIA-da Maraykanka oo ka hadlay eedeymihii jirdilka

daajis.com:- Madaxa Xarunta Sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa difaacay waxa uu ugu yeeray xirfadda la xoojiyay ee loo adeegsaday dambi baadhista iyo waraysiga dambiilayaasha.

Gaar ahaan marka macluumaad laga raadinayo dadka looga shikisanyahay argagaxisada

Shir jaraai’d oo uu ku qabtay xarunta dhexe ee CIA ayaa madaxa Wakaaladaasi, John Brennan iyada oo aan looga baran madaxda CIA inay saxaafadda shir jaraa’id u qabtaan ayaa waxa uu sheegay in farsamadan la adeegsaday ay sir badan uga heleen xubnaha Al-qaacida.

Waxa kale oo uu sheegay in macluumaadka ay qaabkan u heleen ay suurtagaliyeen in la baajiyo weeraro argagixiso oo lala beegsan lahaa Maraykanka.


Waxaana uu sheegay in warbixinta dheer ee todabaadkan uu Aqalka Senateku soo saaray ay xustay falal lagu tilmaamay inay gaareen ilaa heer jirdil balse waxa uu tilmaamay in falalkaasi ay yihiin kuwa kooban loona baahanyahay in la cambaareeyo.

 Hase ahaate waxa uu aad u amaanay hawlgalada ay CIA fulisay isaga oo ku amaanay shaqaalaha hay’daasi in ay shaqo culus qabteen wixii ka dambeeyay 11kii September, 2001dii

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada