DEG-DEG:- Madaxweynaha Soomaaliya oo Cumar C/rashiid u magacaabay Ra'iisul Wasaaraha cusub

DEG-DEG:- Madaxweynaha Soomaaliya oo Cumar C/rashiid u magacaabay Ra'iisul Wasaaraha cusub

daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay Ra´iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaasoo noqday Cumar C/rashiid Cali Sharma´arke. 


Munaasabada magacaabista Ra´iisul Wasaaraha cusub ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mas´uuliyiin ka tirsan Dowladda, Safiirada beesha caalamka u fadhiya Somalia, Wasiiraddii Xukuumadda kalsoonida lagala noqday, Suxufiyiin iyo qeybaha bulshada.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in wadatashiyo mudo gaaban qaatay kadib, uu usoo xushay Ra´iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid oo markii Labaad xilkan qabanaya.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Cumar C/rashiid in xilka loo magacaabay uu kasoo dhalaalo, isla markaana uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka gaarsiisa hiigsiga sanadka 2016-ka.


Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha xilkan adag ee uu u magacaabay, waxaana uu balan qaaday in uu wax badan qaban doono, isla markaana uu dalka gaarsiin doono inay ka dhacdo doorasho xor ah, marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Ra’iisul wasaaraha cusub oo 54 jir ah ayaa dhashay 19-kii June ee sanadkii 1960, waxaana 13-kii February  sanadkii 2009-ka loo magacaabay in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha KMG ah ee dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wixii warar kusoo kordha iyo Sawirada magacaabista wararkeena danbe ayaa kala socon doontaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada