Pakistan oo looga baroor-diiqayo ardaydii lagu laayay Iskuul ku yaal magaalada Peshawar

Pakistan oo looga baroor-diiqayo ardaydii lagu laayay Iskuul ku yaal magaalada Peshawar

daajis.com:- Magaalada Peshawar ayaa ka bilowday aaskata dadkii ku dhinteen weerarkii Taliban ay ku qaadeen Iskuul uu Milateriga maamulo, halkaasoo lagu dilay ilaa 132 caruur ah iyo sagaal shaqaale.

Boqolaal dadweyne ayaa isugu soo uruuray salaada janaasada dadkii ku dhintay weerarkaas, halka qaarkoodna ay ubaxyo dhigayeen naxashka meydadka, waxaana ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas ay tubnaayeen banaanka Isbitaalada, si ay war uga helaan caruurtooda.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah, isla markaana hoos loo dhigayo calanka dalkaas, kadib xasuuqii Iskuulka Peshawar.

Kooxda Taliban ayaa sheegtay in weerarkaas uu jawaab u ahaa weerarka ciidamada Milateriga pakistan ka wadaan waqooyiga Waziristan.

Hogaamiyaasha Caalamka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaas, iyagoo ku tilmaamay weerar bahalnimo ah, waana weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee mudooyinka ka dhaca Pakistan.


Milateriga Pakistan ayaa sheegay in ilaa todobo ruux oo Taliban ka tirsan, kuna hubeysnaa qoryaha fudud iyo jaakadaha qarxa ayaa galay iskuulka, iyagoo xirnaa dareys milateri, waxaana howl galka ka socday iskuulka uu qaatay ilaa sideed saac.

Arday ka bad baaday weerarkaas ayaa sheegay in dableyda hubeysan ay fasalada iskuulka mid mid u galayeen, isla markaana tooganayay ardayda iyo macalimiinta ku jiray, waxaana weerarkan uu ku soo aaday, iyadoo ardayda ay imtixaan ku jireen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada