Madaxweynaha oo xalay la kulmay shaqsiga loo badinayo inuu noqon doono Ra’iisul Wasaaraha cusub

Madaxweynaha oo xalay la kulmay shaqsiga loo badinayo inuu noqon doono Ra’iisul Wasaaraha cusub

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Cumar Cabdirashiid oo ah ninka loo wado in loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Kulanka labada mas’uul oo ahaa mid gaar ah ayaa ka dambeeyay markii uu shalay Muqdisho yimid Cumar Cabdirashiid, waxaana kulankan uu ahaa mid la iskula war qaadanayay, isla markaana Madaxweynuhu uu wareysi ka qaadayay Mr Cumar Cabdirashiid.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Jowhar.com u xaqiijiyay in gelinka dambe ilaa caawa laga yaabo in Cumar C/rashiid loo magacaabi doono Ra’iisul Wasaaraha, maadaama uu noqday shaqsiga kaliya ee ku soo haray liiska dadka u sharaxnaa Ra’iisul Wasaaraha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka xalay ay qeyb ka ahaayeen saaxibada Madaxweynaha, iyadoo inta badan waxyaabaha laga wada hadlayay ay ahaayeen soo xulista Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah diirada u saarayay dhismaha Golaha Wasiirada iyo sida ay la tahay in loo soo xulo, iyadoo ay jireen shaqsiyaad uu wato Madaxweynaha oo ah dadka isaga aadka ugu dhow inay ka dhex muuqdaan Golaha Wasiirada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in inta badan is afgarad laga gaaray, isla markaana ay waxooga dhiman yihiin, kuwaasoo la filayo in la dhameeyo marka ay dhacdo magacaabista, waxaana la saadaalinayaa in marka lagu dhawaaqo in maalmo kooban kadib la soo magacaabi doono Golaha Wasiirada.

Tifaftiraha Jowhar.com ayaa sheegaya in inta badan ay dhacdo shuruudo marka Ra’iisul Wasaare la soo magacaabayo, isla markaana Madaxweynuhu uu miiska u saaro shaqsiyaadka uu rabo in Golaha Wasiirada ka dhex muuqdaan ka hor inta aanu magacaabin, waana wado ay mar kasta maraan Ra’iisul Wasaarayaasha la magacaabo.

Si kastaba ha ahaatee hadii Cumar Cabdirashiid loo magacaabo Ra’iisul Wasaare, waxaa uu noqnayaa ninkii u horeeyay ee mar labaad Ra’iisul Wasaare ka noqda dalka, iyadoo horay Ra’iisul Wasaare uga soo noqday dowladii KMG aheyd ee uu Madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed sanadkii 2009 ilaa 2010.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada