Diblumaasi ka dhaadhiciyo General Ceydiid inuu sii daayo duuliyihii Marayanka ahaa oo Geeriyoodey(Aqriso Qaabka uu ugu Dhaadhiciyaya)

Diblumaasi ka dhaadhiciyo General Ceydiid inuu sii daayo duuliyihii Marayanka ahaa oo Geeriyoodey(Aqriso Qaabka uu ugu Dhaadhiciyaya)

daajis.com:- Diblumaasigii hore ee ku guuleystey inuu ka dhaadhiciyo General Ceydiid inuu sii daayo duuliyihii Marayanka ahaa ee ay gacanta ku dhigeen ururkii USC ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka isagoo 83 sano jir ah.

Oakley oo hore u soo noqday safiirka Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayay wasaarada arrimaha dibada dib ugu yeertay si uu wadaxaajood ula galo General Maxamed Faarax Ceydiid.

Diblumaasigan ayaa waxa uu madax ka ahaa xafiiska la dagaalanka argagaxisada ee wasaarada arrimaha dibada Maraykanka intii u dhexeysay, Sidoo kale waxa uu ka soo noqday safiir dalka Zaire(Congo) intii u dhexeysay 1979-1982 intii u dhexeysay 1979-1982 waxa uu ahaa safiirka Soomaaliya,1988-1991 waxa uu safiirka dowlada Maraykanka ee dalka Pakistan.

Oakley ayaa la sheegay in uu u dhintey xanuuno uu qabay sanadihii la soo dhaafay kaasoo uu ku jirey cudurka Parkinson. Mr. Oakley, ayaa ka soo shaqeeyay wadamo xaalado adag ku jiray kuwaasoo halis ahayd in laga shaqeeyo. Waxa uu si qaas ah ugu taqasusay arrimaha Africa,Bariga Dhexe iyo Koofurta Asia.

Sida lagu daabacay wargeyska caanka ah ee Washington Post Oakley ayaa u sheegay General Ceydiid in uu Madaxweynaha Maraykanka uu doonayo in si degdeg ah oo aan shuruud ku xirneyn loo sii daayo duuliyihii dayuuradii la soo riday Durant.

Mr Oakley ayaa uga digey Gen Ceydiid in haddii aan la soo deyn duuliyaha in Maraykanku uu weerari doono Soomaaliya, “Qeyb ka mid ah magaalada waa ay burburi doontaa rag,dumar,carruur,geel,ari,dameero,bisado waxwalba …… taasina waxa ay noo tahay dhammaan masiibo waana tan dhici doonta.”

Inka yar toddoobad Durant iyo askari Nigerian ah ayaa la sii daayay. Madaxweyne Clinton waxa uu amray in la sii daayo dad badan oo gacanta ugu jirey ciidamada Maraykanka.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada