Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta mooshin ka keenay Xeer Ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka Guud

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta mooshin ka keenay Xeer Ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka Guud

daajis.com:- Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta oo sabti ah shirkooda caadiga ah isugu yimid, todobaad kadib markii Baarlamaanka uu kalsoonida kala laabtay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed Maxamed.

Kulanka maanta oo uu shir gudoominayay Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa ka soo qeyb galay 141 Xildhibaan, waxaana ajandayaasha looga hadlayay ka mid ahaa aqrinta hindise sharciyeedk caruurta, qeybta labaad ee aqrinta dhismaha Gudiga xuduudaha iyo Federaalka.

Sii hayaha xilka Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Baarlamaanka ka aqrisay hindise sharciyeedkan, waxaana markii dambe Xildhibaanada ay cod u qaadeen, iyagoo ansxiyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa loo qeybiyay mooshin ka dhan ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, iyadoo mooshinkan ay soo diyaariyeen ilaa 20-xildhibaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa sheegay in maalinta berri ay Baarlamaanka hor imaan doonaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Hanti dhowrka guud, si ay uga jawaabaan su’aalo laga weydiinayo mooshinka laga soo gudbiyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka soo horjeestay amar ka soo baxay Xeer Ilaaliyaha oo ahaa in Wasiirada aanay safri karin, iyagoo aan xilkooda wareejin ama aanay fasax ka heysan Madaxweynaha.

Amar ka soo baxay Hanti dhowrka guud ayaa waxaa maalmo ka hor lagu xiray Agaasimihii Wasaarada Haweenka Maxamed Cumar, kaasoo lagu soo eedeeyay ku takri fal awood xafiiseed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada