Rasaas xoogan oo Kismaayo ka dhacday si loogu dabaal dego ra’iisul wasaare cusub

Rasaas xoogan oo Kismaayo ka dhacday si loogu dabaal dego ra’iisul wasaare cusub

daajis.com:-Waxaa maanta magaalada Kismaayo laga maqlayay gurxanka rasaasta noocyadeeda kala duwan, iyada oo la adeegsanayay hubka fudud iyo waliba hubka tiknikada kadib markii halkaasi uu gaarey war been abuur ah oo ku saabsan in xilka Ra’isulwasaaraha loo magacaabay Xusseen Cabdi Xalane oo hadda ah sii hayaha wasiirka Maaliyadda.

Rasaasta ayaa waxaa mar qura furay Ciidamada Mamaulka KMG Jubba gaar ahaan kuwa jooga Xerooyinka Magaalada iyo Garoonka Kismaayo, kadib markii ay maqleen warar la xiriira in nin kasoo jeeda beeshooda loo magacaabay xilka Ra’isul wasaarenimo.

Warkaani been abuurka ah ayaa waxaa la sheegayaa in laga gudbiyay gudaha Magaalada Muqdisho, waxa ayna dadka iyo ciidamada maamulka Jubba u damaashadayeen warka ku saabsan in Xuseen Cabdi Xalane loo magacaabay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii damaashadaayay.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in Ciidamada AMISOM ee ka kala socda Kenya iyo Sierra Leon ay u kala firxadeen dhanka Garoonka iyo Dekada gaar ahaan Badda, kadib markii ay rasaastaasi ka saseen una maleynayeen in gudaha loo soo galay Garoonka iyo Dekada, waxaana la sheegayaa in qaarkood ay iyaguna rideen rasaas xoogan oo ay uga jawaabayen.

Dhanka kale, waxaa faraha ka baxay xakameynta Ciidamada Rasaasta rideysay kadib markii rasaasta ay aad u xoogeysatay, waxayna saraakiisha maamulka ku qasbanaadeen in ay idaacadda Kismaayo kala hadlaan askarta,si rasaasta ay u joojiyaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada