Falkii labaad oo dad wado marayay gaari lagu jiirsiiyay ayaa ka dhacday dalka Faransiiska

Falkii labaad oo dad wado marayay gaari lagu jiirsiiyay ayaa ka dhacday dalka Faransiiska

daajis.com:-Nin watay gaari ayaa markii labaad jiirsiiyay dad ka dukaameysanayay suuq aad u mashquul ah oo ku yaal magaalada Nantes ee dalka Faransiiska.

Falkan ayaa ah kii labaad noociisa oo ka dhaca dalka Faransiiska, iyadoo Axadii la soo dhaafay si la mid ah qaabkan uu nin gaari jiirsiiyay dad wado marayay, isagoo dhaawacay 11-qof.

Dhacdadii u dambeysay ayaa aheyd shalay markii nin watay gaari uu jiirsiiyay ilaa 10 qof oo lix ka mid ah ay xaaladooda aad u liidato.

Afhayeen u hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska ayaa ku tilmaamin weerarkan inuu ahaa mid argagixiso, hase ahaatee uu socdo Baaritaan.

Sabtidii ayay aheyd markii nin Mindi watay uu weeraray saldhig boolis, isagoo dhaawacay saddex askar, lana dilay isaga.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa ugu baaqay dadka Faransiiska in aanay argagaxin, kadib markii saddexaad weerar lagu qaaday Boolis iyo dad wadada marayay.

Dacwad oogayaashu waxa ay sheegeen in weerarkan ay isu egyihiin midkii Dijon ka dhacay Axadii kadib markii uu nin gaadhi jiidhsiiyay dad wadada marayay.

Labadii ruux ee falkan geysatay ayaa gacanta lagu hayaa, inkastoo kii hore dadka gaariga ku jiirsiiyay ee ka dhacay magaalada Dijon la sheegayo in madaxa loogaga jiray.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada