Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Madaxda Shirkadda TIKA ee dalka Turkiga

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Madaxda Shirkadda TIKA ee dalka Turkiga

daajis.com:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ku sugan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa la kulmay mas’uuliyiinta hay’adda Horumarinta dalka Turkiga ee TIKA.


Gudoomiye Muungaab ayaa ka codsaday TIKA inay dadajiso dhismaha waddadaha Wadnaha ee magaalada Muqdisho, arrintaas oo ay horay u ballanqaadday.


Kulankaan uu guddoomiye Muungaab uu la qaatay madaxda Hay’adda TIKA ayaa waxaa looga hadlay dardar galinta howlaha horumarineed ay Hay’adda TIKA  ka wado magaalada Muqdisho iyo sidii loo dar dargelin lahaa.

Labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo badan oo ku saabsan dhismaha waddooyinka, gaar ahaan sidii loo bilaabi lahaa dhismaha wadada Wadnaha oo dhererkeedu gaarayo 10Km.


Cali Maskan oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda TIKA ayaa dhankiisa soo dhaweeyay dalabka kaga yimid Maamulka Gobolka Benadir, isla markaana balanqaaday in Hay’addiisa ay xoojin doonto howlaha horumarineed oo ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Hay’adda TIKA ayaa ka fulisay magaalada Muqdisho dhismo waddooyin dhererkooda gaarayo 23km oo uu horey u amray Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada