Macalin Dugsi Qur,aan oo Qoorta looga jaray Hiiraan

Macalin Dugsi Qur,aan oo Qoorta looga jaray Hiiraan

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya  in Al-Shabaab ay deegaanka Qandho oo hoos tagta degmada Buulo-burte ku dileen  macallin dugsi Qur’aan oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Macallinka waxaa lagu magacaabi jiray macalin Maxamed Macallin Xuseen Cismaan Raage.

Mas’uuliyiin ka tirsan Mamaulka degmada Buulabarde ayaa Warbaahinta u sheegay in  la gowracay  Macalinka oo ay  Meydka soo dhigtay tuulada Qandho oo 70 km u jirta Buulo-buete.


Wuxuu sheegay in ay Al-Shabaab xadgudub ku heyso dadka rayidka ah ee ku nool tuulooyinka ay weli ku sugan tahay, isagoo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ujeediyay in ay dhibaatadaas ka dulqaadaan dadka rayikd ah.

Al-shabab ayaa sidoo kale dhawaan  Shan Qof oo Shacab ah ku Goowracay Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada