Alshabaab oo mar kale weerar ka geystay gudaha dalka Kenya

Alshabaab oo mar kale weerar ka geystay gudaha dalka Kenya

daajis.com:-Askari ka tirsan ciidamada Booliska ayaa la dilay labo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray, kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen xili ay ku sugnaayeen deegaanka Kilifi ee dhanka xeebta dalka Kenya.

Albert Kobia oo ah taliyaha ciidamada Kilifi ayaa xaqiijiyay dilka loo geystay askariga ka tirsan ciidamada Booliska, isagoo sheegay in labada kale ee dhaawacantay la dhigay xarumaha caafimaadka.

Weerarka ayaa kusoo aaday iyadoo Kenya ay u dabaaldageysay sanad guuradii 51 ee kasoo wareegatay markii dalkaasi uu xornimada ka qaatay dalka Ingiriiska.

Taliyaha ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay rasaas ku fureen saldhiga ay ku leeyihiin deegaanka Kilifi, halkaasi oo ay soo weerareen kooxaha hubeysan.

Gobolka dhanka xeebta waxaa bilihii ugu dambeeyay ka dhacayay dilalka qorsheysan iyo weerarada ay sheegtaan masuuliyadooda ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Weeraradaasi ayaa sababtay in ciidamada Kenya ay jawaab kaga dhigaan inay weeraraan masaajido ku yaala magaalada Mombasa ayna ka xerxeraan dhalinyaro badan oo lagu tuhmayo Alshabaab inay ka tirsan yihiin.

Gobolka xeebta dalka Kenya ayaa ahaa goobaha ay dalxiis ahaan u tagi jireen dadka ajaaniibta ah, laakiin waxaa yaraaday dadkii halkaasi tagi jiray, markii Alshabaab weeraro badan ay ka geysteen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada