Magacyada:- qaar kamid Wasiirada loo maleynaayo inay kamid noqon doonaan Xukuumada Cusub

Magacyada:- qaar kamid Wasiirada loo maleynaayo inay kamid noqon doonaan Xukuumada Cusub

daajis.com:-  Kooxda Damujadiid iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa Ra’isul wasaaraha cusub u diyaariyay inuu saxiixo Warqad ay ku qoran yihiin shan Wasiir oo ay qasab tahay inuu kusoo darro golaha wasiirada cusub.

Ra’isul wasaaraha cusub oo ay u badan tahay inuu noqdo Cumar Cabdiraashiid, waxaa laga rabaa inuu sharuudaha adag aqbalo intaan loo saxiixin warqadiisa magacaabista Ra’isulwasaaraha.

Shanta Wasiir ee lagu xiray Ra’isul wasaaraha cusub inuu saxiixo waxa ay kala yihiin:-

1. Faarax Cabduqaadir, Wasiirka Cadaaladda2. Fawsiyo Xaaji Adam, Wasiirka arimaha dibadda iyo Ra’isul wasaare ku xigeen3. Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha4. Cabdullahi Sanbaloolshe Wasiirka Amniga Qaranka5. Maryan Cariif, Wasiirka Dastuurka, waxaa lagu bixinayaa Mustaf Dhuxulow si loo qanciyo beesha Murusade.

Shardiga xiga wuxuu yahey: Inay talada inta ugu badan ku yeeshaan golaha Wasiirada cusub, lagana tixgaliyo xildhibaanadii ridey Ra’isul wasaare Cabdiweli.

Shardiga kale waa in uusan Ra’isulwasaraha cusub arrimaha maamul u sameynta gobolada uu faraha uga qaado, kuwo dhisanna la macaamilkooda loo daayo wasiirka shaqada ku leh oo ayagu wataan.

Shardiga ugu danbeeya, haddii khilaaf yimaado in uu iska baxayo islamarkaasna uu aqbalo in laga saxiixo warqaddii istiqaaladdiisa.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke lama oga inuu aqbali doono sharuudaha lagu xiray magacaabistiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada