XOG:- Qorshe ka dhan DF oo ka socda Addis-Ababa (Puntland, Shariif Xasan & Juba)

XOG:- Qorshe ka dhan DF oo ka socda Addis-Ababa (Puntland, Shariif Xasan & Juba)

daajis.com:-Itoobiya ayaa doonaysa iskaashi dhexmara maamullada Puntland, Jubba iyo maamulka cusub ee Koonfur-galbeed, sida laga helayo wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku casuuntay madaxda saddexda maamul, waxaana shalay dib uga soo laabtay Addis madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe, halka sidoo kale madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa isna uu u ambabaxay Addis Ababa.

Gaas ayaa warbaahinta u sheegay isagoo jooga garoonka diyaaradaha ee Garoowe inuu casumaad ka helay madaxda dalka Itoobiya, balse qorshaha safarkiisa waxaa la sheegay inuu quseeyo isku xirka saddexda maamul.

“Safarka Gaas waxuu daba socda booqashadii Axmed Madoobe ee Addi Ababa, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa wadda qorshe cusub oo ay ku doonayso inay isku xirmaan maamullada Puntland, Jubbaland iyo koonfur-galbeed,”sida waxaa sheegay mas’uul ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Sarkaalka ka tirsan maamulka Jubba, waxa kale oo uu sheegay in qorshahaan uu billow yahay isla markaana loo soo bandhigayo madaxda saddexda maamulka. Madaxweynaha Jubba ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee aqbala qorshaha Itoobiya.


Haddii ay dowladda Itoobiya ku guulaysato isku xirka maamullada waxay dhabar jab weyn ku tahay dowladda federaalka ah.

Itoobiya waxaa ay xiriir dhow la leedahay Puntland iyo Jubbaland, waxaana la sheegay xiriirka Itoobiya inay u badalayso isku xirkooda, si ay u sameystaan is-baheysi adag oo ka dhan DF.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ma aysan caddeeyn ujeedka ay ka leedahay isku xirka maamullada ka jira Soomaaliya, hase yeeshee diblomaasiyiinta ayaa sheegaya inay tani qeyb ka tahay qorshaha Ethiopia ee ah in Somalia aysan marnaba yeelan dowlad dhexe oo awood badan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan xilka loo doortay waxaa la sheegay in isna uu dhowaan tagi doono Addis-Ababa.

Isha: RBC


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada