SAWIRRO: hogaamiyayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku kulmay ETHIOPIA

SAWIRRO: hogaamiyayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku kulmay ETHIOPIA

daajis.com:-Waxaa habeenimadii xalay Hotel Sheraton ee magaalada Addis Ababa ku kulmay Mas’uuliyiin ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo safaro shaqo ku jooga Dalka Ethiopia.

Wafdiga kulmay ayaa waxaa kala hogaaminaayay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii Jubbaland ee uu hogaaminayay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil ”Fartaag”.

Labada dhinac ayaa waxa ay Kulankooda uga wada hadleen Arrimo ay kamid yihiin Xiriirka iyo is kaashiga labada maamul, iyadoo labada dhinac ay beeniyeen warar saxaafada lagu shaaciyey oo sheegayay in labada dowlad goboleed madmadow soo kala dhexgalay.

Dhanka Jubbaland waxaa kulanka ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka General Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil ”Fartaag”,la taliyaha Madaxweynaha Jubbaland Maxamed Cabdinuur”Casoowe” iyo gudoomiyaha gobolka Jubadda dhexe Cabdirashiid Jire Qalinle.

Intii uu kulanku socday waxaa khadka telefoonka ku wada hadlay madaxweyne Gaas iyo madaxweyne Axmed waxayna labada madaxweyne isla garteen in madaxweyne Gaas uu booqasho ku yimaado magaalado Kismaayo.

Dhanka kale, Madaxda labada Maamul ayaa waxaa la filayaa in halkaasi uu uga furmi doono shirar ay la kala yeelan doonaan Madaxda Ethiopia, Safiirada Caalamka ee Adis Ababa jooga iyo weliba qeybaha kala duwan ee Bulshada kasoo kala jeedo Deegaanada ay labada maamul ka kala arimiyaan ee ku sugan Adis ababa.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada