Mareykanka iyo Cuba oo muddo 50-sano kadib dib u bilaabaya xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Mareykanka iyo Cuba oo muddo 50-sano kadib dib u bilaabaya xiriirkooda diblomaasiyadeed.

daajis.com:- Dowladaha Mareykanka iyo Cuba ayaa ku dhawaaqay inay bilaha soo socda ay bilaabi doonaan wada hadalo loogu gogol xaarayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhaxeeyay.

Labada dal ayaa muddo 50-sano wax cilaaqaad ah yeelan, waxaana ay isu jireen xiriirkii diblomaasiyadeed, Mareykanka ayaa 10-kii sano ee u dambeeyay xayiraad ku soo rogay dalka Cuba.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo Madaxweynaha Cuba Raul Castro ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay, kadib markii Cuba ay sii deysayay Qandaraasle Mareykan ahaa oo muddo shan sano xirnaa.

Mareykanka iyo Cuba ayaa isku afgartay inay is dhaafsadaan maxaabiista siyaasadeed ee u kala xiran, dabcinta safarka iyo xayiraada ganacsi oo uu horay Mareykanka ugu soo rogay Cuba.

Raul Castro ayaa ugu baaqay Mareykanka inay qaado cunaqabateynta ganacsi iyo tan dhaqaale ee muddo dheer uu dalkaas ku soo rogay.



Obama ayaa sheegay inuu guuldareystay siyaasada Mareykanka ee go’doominta Cuba, waxaana uu tilmaamay in xoghayihiisa arrimaha dibada uu diyaarinayo, sidii safaarada Mareykanka uu dib uga furan lahaa dalka Cuba.

Mareykanka iyo Cuba ayaa sanadkii 1961 isku jaray xiriirkii diblomaasiyadeed, waxaana labada dal ay hawada isku marin jireen cambaareyn iyo dhaleeceyn ba’an.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada