Mustaf Dhuxulow “Hay’adaha Gar-gaarka Caalamka waa inay Soomaaliya Mudnaan weyn siiyaan”

Mustaf Dhuxulow “Hay’adaha Gar-gaarka Caalamka waa inay Soomaaliya Mudnaan weyn siiyaan”

daajis.com:- Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa caawa soo gaaray dalka Kuwait, si uu uga qeybgalo shirka caalamiga ee doorka Hay’adaha Gar-gaarka.

Mr Dhuxulow ayaa waxaa gegida diyaaradaha ee Kuwait ku soo dhoweeyey La-Taliyaha Sare ee Amiirka Kuwait Dr Abdalla Matouq Al Matouq iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait Safiir Abdulkadir Amin Sheikh.

Shirkan looga hadlayo doorka hey’adaha gar gaarka ayaa furmaya maalinta berri oo Isniin ah, taariikhduna ku beegan tahay 15-december

“Hay’adaha Gar-gaarka Caalamka waa inay Soomaaliya Mudnaan weyn siiyaan.” Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa ugu waaweyn sidii hay’adaha gar-gaarka caalamka ay uga wada shaqeyn lahaayeen sidii gar-gaarka uu u noqon lahaa mid bedela nolosha bani’aadamka, si aysan u soo noqnoqon arrimaha abaaraha joogtada ah”ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Arrimaha kale ee diirada lagu saarayo shirka ayaa ah doorka dumarka looga qeyb galinayo mashaariicda gar-gaarka bacdamaa ay hooyooyinka muhiim u yihiin isku xirka bulshada.




“Soomaaliya waxey tusaale u noqon kartaa caalamka bacdamaa dumarka ay kaalin weyn ka qaataan ganacsiga Soomaaliya, iyo hay’adaha gar-gaarka. Waxaan hubaa haddii dumarka Soomaaliyeed fursad la siiyo inay door weyn ka qaadan karaan sidii dumarka caalamka loogu dhiiri gelin lahaa inay door wanaagsan ka qaataan horumarka bulshada”ayuu mar kale yiri Sii hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa gar gaarka ugu badan ka hesha dowladda Turkiga oo tan iyo sanadkii 2011 ay taageereysay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale dowladaha Carabta ay sidoo kale howlaha gar gaarka ka qeyb qaataan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada