Booliska dalka Turkiga oo weeraray xarumaha wargeyska Zamar iyo taleefishinka Zamanyolu (Sawirro)

Booliska dalka Turkiga oo weeraray xarumaha wargeyska Zamar iyo taleefishinka Zamanyolu (Sawirro)

daajis.com:- Booliska dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigay illaa iyo 23 ruux kadib markii ay gudaha u galeen xarumo warbaahineed oo lala xiriirinayay inay mucaarad ku yihiin Erdogen.

Dadka la qabqabtay ayaa waxaa ka mid ah weriyaal iyo shaqaale ka howlgalayay taleefishin. Dadkan la xirxiray ayaa waxaa lagu tuhunsan yahay in ay taageerayeen wadaad Muslin ah oo xaruntiisu tahay dalka Maraykanka.

Wadaadka Fethullah Gulen oo ay hore u ahaayeen asxaab madaxweye Tayyip Erdogen ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf weyn kadib markii sanadkii hore ay soo baxeen eedeymo loo jeedinayay madaxweyne Erdogan.

Xafiisyada wargeyska ugu caansan dalka Turkiga ee Zaman iyo taleefishinka Samanyolu ayaa ciidamada Booliska weerareen waxaya u muuqataa in dagaalka u dhexeeya Erdogan iyo Gulen uu meel halis ah gaaray.

Wakaalada wararka ee Anatolia ayaa sheegtay in maxkamad ay soo saartay amar lagu xirayo illaa iyo 31 ruux waxaana la soo qabtay 23 kamid ah dadkaas kaib markii baaritano laga sameeyay magaalaa Istanbul iyo magaalooyin kalaba.

Dadka la xirxiray ayaa waxaa ka mid ahaa tifatirihii wargeyska Zaman Ekrem Dumanli iyo madaxii taleefishinka Samanyolu Hikmet Karaca iyo sarakiil ka tirsan ciidamada booliska.

“Taariiqdu waxa ay xusuusan doontaa dadka wanaagsan kuwaasoo iska socday iyagoo aan gadaal u eegin Turkiga oo leh dimuqraadiyad xoog leh,”ayuu Dumanli u sheegay weriyaal isago ku sugan xarunta weyn ee wargeyska Zaman kahor inta aan la xirin.

“Arrintu ma aha dhaqdhaqaaq u dhexeeya dowlada iyo Gulen fadlan waxaan ilaalinaa dimuqraadiyadeena,”ayuu ku sii raaciyay tifatiraha wargeyska caanka ah ee Zaman.

Erdogen ayaa waxa uu ku eedeeyay dhaqdhaqaaqa Gulen in ay abaabulayaan qorshe lagu burburinayo dowladiisa. Dowlada ayaa sheegtay in taageerayaasha Gulen in ay ka dambeeyeen eedeymo loo jeediyay sanadkii hore dowlada ee ahaa musuqmaasuq taasoo sababtay in ay is casilaan afar wasiir oo ka mid ahaa xukuumada Erdogen.

Gulen, ayaa waxaa uu ku nool yahay dalka Maraykanka gaar ahaan Pennsylvania waxana uu beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay. Zaman iyo Samanyolu ayaa lala xiriiriyaa in ay gacan saar la leeyihiin dhaqdhaqaaqa Gulen.

Koox dad ah ayaa isugu soo baxay dibada xarunta Zama nee Istanbul iyagoo ka cabanaya xariga loo geystey tifatirihii wargeyska. Sidoo kale ururada suxufiyiinta dalka Turkiga ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday saxafiyiinta.

Dowlada Erdogen ayaa dooneysa in Gulen laga soo masaafuriyo wadanka Maraykanka si dacwado loogu soo rogo gudaha dalka Turkiga.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada