Ninkii Dhawaantan Fuliyay Weerarkii New York Oo Fariin Dhaxal Gal Ah Dadka Madowga Ah Kaga Tagay.

Ninkii Dhawaantan Fuliyay Weerarkii New York Oo Fariin Dhaxal Gal Ah Dadka Madowga Ah Kaga Tagay.

daajis.com:- Police-ka magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay heleen fariin uu Internet-ka ku reebay Ismaaiyl oo ahaa ninka ka dambeeyay weerar dhawaantan magaaladas ka dhacay oo lagu qaarijiyay Askar katirsanaa Police-ka magaaladaas.


Ismaaiyl ayaa fariin uu u diray Police-ka magaalada New York ka hor inta aanu weerarka ku qaadin Askarta sheegay in dadka madowga ah ee xuquuqdooda lagu tuntay ay dhiigooda u huri doonaan.


Dhawaanahan waxaa magaalada New York ka socday banaan baxyo ay dhigayeen dadka Madowga ah ee dalkaas ku dhaqan, kuwaas oo ku qaylinayay in Police-ka ay dhiigooda, iyo xuquuqdooda ku tuntaan.



Waxaa siyaaba kala duwan dalka Mareykanka looggu dilay dad madow ah oo dalkaas u dhashay kuwaas oo Police-ka dalka Mareykanka ay  dileen, garsoorayaasha dalka Mareykanka ayaa sheegay in Police-ka fuliyay dilalkan aan wax dambi ah loo raacan Karin, dacwadna lagu soo oogi Karin taas oo dhalisay muujado dibad baxyo careysan ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada